Waxaa goordhow xarunta Qaramada Midoobay ee New Yorka ka dhacay kulan aan caadi aheyn oo ku saabsanaa (General Assembly) in cod u qaado mooshin ay soo gudbisay dowlada Falastiin oo codsatay madaxbanaani loo siiyo dhulkooda ayna xubin buuxa ka noqdaan Qaramada Midoobay maadama ay xiligaan yihiin(None member State)
Madaxweynaha Falastiiniyiinta Mudane Maxamuud Cabaas ayaa kulankii (General Assembly) ka jeediyay qudbada xasaasi ah oo aad u qiiro badneeyd, isla markaana ay aad ugu riyaaqeen inta badan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.
Codqaadistii ayaa inta badan dalalka xubnaha ka ah Qarmada midoobay ay ku codeeyeen codka HAADA AH oo 138 ayaa u codeeyay Yes, marka laga reebo dalal dhoor ah oo ay hogaaminyaan Maraykanka, Isra’iil, Germalka iyo Ingiriiska.
Dowlada Maraykanka.
Maraykanka oo taageero xoogaleh siiya Isra’iil ayaa Shaaca ka qaaday inay mooshinkan horyaala Qaramada Midoobay ay codka MAYADA AH u codeyn doonaan, hase ahaatee ayna hor istaagi doonaan qorshaha dowlada Falastiiniyiinta ay ku dooneyso in ay xubin buuxda kaga noqoto Qaramada Midoobay, waxeyna ku tilmaameen diidmadooda in ay walaac xoogan ka qabaan nabadeynta Bariga dhexe.
Maraykanka iyo Isra’iil ayaa ogaa in codka intiisa badan uu raaci doono dhanka Falastiin, maadaama codbixinta ay ka dhici doonto Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay (General Assemly) oo ka kooban 193 dal.
Dowlada Maraykan ayaan wax awood dheerad ah ku laheyn sida (VETO) ,isla markaana ana haba yaraatee hor istaagi karin, taas oo ku eg codkooda VETO-da ah Golaha Amaanka oo kaliya.
Waxaana Maraykanku uu ku leeyahay HAL cod oo kaliya (General Assemly) waxaana inta badan wadamada xubnaha ka ah Golahan loo dhanyahay ay u badan yihiin Dunnida Sadexaad oo taageero xoogan u haya Falastiiniyiinta.
Midowg Yurub.
halkaan ka daawo ALjazira
Wadamo badan oo kamid ah Midowga Yurub ayaa sheegay inay ayagu taageeri doonaan Mooshinka dowlada Falastiiniyiinta, isla markaana ay codkooda HAADA AH Siindoonaan, waxaana dalalka Reer Yurub ee sida cad u muujiyay taageerda aan qarsooneyn ee shacabka Falastiin ka mid ahaa Denmark, Portugal, Malta, Luxembourg, Faransiiska iyo Ireland.
Ugu danbeyntii fadhigii Qaramada Midoobay ee caawa ayaa taariikh cusub oo usoo hooyataya Falastiiniyiinta, Inkastoo aysan helin aqoonsi buuxa hadana waxay ka mid noqdeen xubuni korjoogta ah oo si aan toos aheyn uga mid ah Qaramada Midboobay, taasi laftirkeedu waa tilaabo horumar u ah Falastiiniyiinta.