Waxaa Maanta Garoonka Ex-Luujino ee Magaalada Muqdisho kasoconaya dibad bax aad u balaaran ay ka qeyb galayaan Boqolaal dadweyne, kaa oo lagu taageerayo Dowlada Soomaaliya iyo amarkii madaxweynaha ee lagu qaaday isbaarooyinkii yaalay goobaha ay Dowlada maamusho.
Garoonka waxaa hada kusugan Boqolaal dadweyne ah kuwaa oo wata astaamo ay ku taageerayana hadalkii madaxweynaha Dowlada Soomaaliya iyo sidoo kale astaanka Calanka Soomaaliya , Wariyaheena ayaa kusoo waramaya in dibad buxu yahay mid aad u weyn.
Waxaa wali garoonka kusii qul qulya dadweyne fara badan oo daneenaya ka qeyb galka dibad baxsaai kasoconaya Koonis iyadoona la filayo in ay ka qeryb galaan Madax sare oo katirsan Dowlada hadalana u jeediyaan dibad baxayaasha.
Amaanka halka uu dibad buxu kasocdo ayaa aad loo adkeeyay waxaana gabi ahaan xiran wadooyinka soo gala Garoonka Luujino halkaas oo la dhoobay ciidamo tiro badan oo amaanka xaqiijinaya.