Xili kooxda Shabaab ee Soomaaliya maalin ka hor ay baneeyeen deegaano ka tirsan Gobalka Bay ee koonfurt Soomaaaliya ayaa waxaa lasoo sheegayaa in shababa ay ku laabteen mid ka mid ah Degmooyinka Gobalka oo dhowaan ay isaga baxeen sida ay kusoo waramayaan dadka deegaanka.
Wararka aan ka heleyno Degmada Diinsoon ee Gobalka Bay ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalyahanada shabaab ay dib uga soo laabteen gudaha degmadaasi,halkaasi markii ay kusoo laabteen ay ku xir xireen dad badan oo reer deegaaanka ahaa oo aan la ogeyn sababta ay u xirteen.
Degmada Diinsoor oo haatan gacantooda kusoo laabtey xarakada Shabaab ayaa waxaa hal maalin aheyd mid haawaneysa oo aaney jirin cid maamuleysey,waxaana ciidamada Dowlada Soomaaliya la sheegay iney joogaan meel duleedka degmada Diinsoor ah oo wali aaney u suur toobin iney galaan.
Dhanka kale Degmada Ufurow ee Gobalka Bay oo iyana dhowaan ay baneeyeen kooxda Shabaab ayaa waxaa dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wada ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya,waxaana ay rabaan iney usii dhaqaaqaan dhanka iyo Degmada Diinsoor oo kooxda kusoo labatay.