home > WARARKII UGU DANBEEYAY EE DUULAANKII LAGU QAADEY DEGMADA DIINSOOR.03/12/2012
WARARKII UGU DANBEEYAY EE DUULAANKII LAGU QAADEY DEGMADA DIINSOOR.03/12/2012
Kadib markii shalay ciidamo badan oo isugu jira kuwa Dowlada Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka dhaqaaqeen dhanka Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay ayna aadeen dhanka iyo deegaanada Gobalka ay ka maamulaan kooxda Shabaab ayaa waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo arintaasi ku aadan.
Wararkii ugu danbeeyay oo aynu ka heleyno Wadada isku xirta Magaalooyinka Baydhabo iyo Diinsoor ee Gobalka Bay ayaa waxaa ay sheegayaan in wali xiisad xoogan ay ka taagan tahay inta u dhaxeysa Labadaasi degmo,maadama la sheegayo in ciidamada dowlada ay isku faafiyeen deegaano hor leh.
Dad deegaanka ah oo kusoo safrey Wadadaasi ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada deegaanada u dhaxeeya Baydhabo iyo Diinsoor ay yihiin kuwo aad u cakiran,islamarkaana mar kasta la filan karo in halkaasi dagaal uu ku dhaxmaro ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Kooxda Shabaab.
Ciidamada huwanta ah ayaa waxaa la soo sheegayaa iney ku dhow yihiin degmada Diinsoor ee Gobalka Bay halkaasi oo ay gacanta ku hayaan ciidamada kooxda Shabaab,maadama dhowaan markii madaxweynaha Dowlada Soomaaliya uu tagay Dalka Itoobiya sheegay in ciidamada Itoobiya ay qaban doonaan meelo badan oo ka mid ah dalka.
Xaalada degmada Diisoor ee Gobalka Bay ayaa aad u cakiran maanta,waxaana dhanka kale jira dhaq-dhaqaaq ciidan oo gudaha Diinsoor ay ka wadaan shabaab maadama ciidamo kale ay kusoo socdaan.