Xulka Soomaaliya ayaa berito waxa uu ciyaar adag la ciyaari doontaa xulka Suudaan oo ay kuwada jiraan Group B koobka bariga iyo bartamada Afrika.
Soomaaliya ayaa aad ugu baahan inay guul ka gaarto Suudaan si ay u nooleyso rajadeeda ay ugu gudbi laheyd wareega xiga, laakiin guuldarro kale oo soo gaarta waxa ay inta badan xaqiijin doontaa inay ka haraan koobka Cecafa 2012 oo sannadkan ka dhacaya Uganda.
Kulankii ugu horeeyay ee Soomaaliya ay ciyaarto Group B waxa ay axadii la soo dhaafay la ciyaartay Burundi, iyadoo guuldarro 5-1 ah ay ka soo gaartay.
Groupka B waxaa min seddex dhibcood ku hogaaminaya Burundi iyo Tanzania oo iyadana 2-0 ku soo dubatay xulka Suudaan.
Sidaasi darteed kulanka dhexmari doona Soomaaliya iyo Suudaan waxa uu xul kasta u yahay kulan muhim weyn u leh si rajadooda ay u nooleyaan.
Group C waxaa isna hogaanka u heysa xulka Ruwanda oo leh 3 dhibcood ka dib markii ay 2-0 kaga badiyeen Malawi. Halka Eritrea iyo Zanzibar ay dhibcaha kala qeybsadeen iyagoo leh min hal dhibic, Malawi ayaana group-kaan u hooseysa.
Group A waxaa min seddex dhibcood kuwada hogaaminaya Ethiopia iyo Uganda, halka South Suudaan iyo Kenya aysan wax dhibic ah laheyn.
Kulamada maanta la ciyaarayo Ethiopia iyo Uganda ayaa isku dhegan, halka Kenya iyo South Suudaan ay iyagana is qaabili doonaan.