Wariyaha Shabakada Warbaahinta Ishabaydhaba ee Gobolka Bakool ayaa ku soo waramaya in Xaalada Caafimaad iyo Mida Waxbarasho ee magaalada Xudur ay aad u liitaan.
Deerow oo ah wakiilka Shabakada Ishabaydhaba.com ee gobolka Bakool oo shalay booqday Magaalada Xudur ayaa soo sheegaya in magaalad ay ka jiraan xaalad aad u liidata oo dhinacyo badan.
Wariye Deerow ayaa sheegay in dadka Xudur ay haysan goobo Caafimaad iyo kuwo Waxbarasho, waxaana uu sheegay in dhibaatada dadka haysata ay tahay mid bini’aadanimo oo aad u ballaaran.
“Illaa iyo haatan ma jiraan cid si sugan baahidooda u dabooshay, haday ahaan lahaayeen Hey’addo ama Qurbajooga kasoo jeeda Magaalada Xudur, roobabkii ayaa wali socda”ayuu yiri Wariye Deerow.
Roobka deyrta ee ka da’aya magaalada Xudur ayaa ku soo beegmaya xilli ay biyo la’aan iyo abaaro ay ka jiraan degmooyin ka tirsan Gobolka Bakool.