Wasiirka Gaashandhiga Soomaaliya Oo Sheegay In Mushaarka Si Joogta Ah Loo Siin Doono Ciidamada 22/11/2012

Wasiirka Gaashandhiga Soomaaliya Oo Sheegay In Mushaarka Si Joogta Ah Loo Siin Doono Ciidamada 22/11/2012

Wasiirka Gaashandhiga Xukuumadda Soomaaliya Cabdixakiin Xaaji Maxamuud ayaa sheegay in hadda wixii ka bilowda ciidamada dowladda si joogta ah mushaar loo siin doono.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay kullan uu shaley magaalada Muqdishi kula yeeshay saraakiisha ciidamada dowladda.

Wuxuu kaloo sheegay in loo baahan yahay siddii isbadal loogu sameen lahaa wasaarada gaashandhiga iyo tayada ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Waxa kulanka lagu sheegay in uu joogto ahaan doono, si loo adkeeyo ammaanka goobaha dowladda ay ka arimiso, iyo siddii loo ballaarin lahaa howlgalada ka socda goballada dalka.

Si kastaba, wax yaabaha dib u dhaca ku keena ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, waxa weeye iyadoo aan la siin mushaar joogta ah.

Maxay la egtahay mushaarka la siiyo askariga dablaha ama Genaralka ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ?

Sarkaal dowladda ka tirsan ayaa u sheegay RBC Radio in askariga iyo Genaralka ay isku mushaar yihiin, waxana ay bishii qaataan $100, maalintiina $1, taasoo xitta dhowr bilood aan mararka qaar la siin.

Askariga AMISOM ee jooga Soomaaliya waxa uu maalintii kaliye raashiin ahaan loo siiyaa 10-dollar.

Dad badan ayaa ku macneeya inta dhibka ugu badan oo loo aaneeyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliya in ay tahay mushaar la’aan , qaar badan oo lagu soo tababaray waddamada dariska ayaa la dhuunta hubka ama iibsada marka ay waayaan mushaar.

Wasiirka cusub Cabdixakiin Xaaji Maxamuud {Fiqi} oo markii labaad loo dhiibay xilkan ayaa waxa hortaalla shaqooyin adag.