home > WASIIRO IYO TALIYAAL CIIDAN OO ISKU DAY DIL KA BAD BAADAY,03/12/2012
WASIIRO IYO TALIYAAL CIIDAN OO ISKU DAY DIL KA BAD BAADAY,03/12/2012
Wararka ka imaanaya gobalka Sh/hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in maanta deegaano ka tirsan Gobalkaasi lagu weeraray wasiiro iyo taliyaal ka tirsan ciidamada Dowlada Soomaaliya kuwaasi oo maalmihii ugu danbeeyay socodaalo ku marayey deegaanada gobalka.
Gadiidka ay la socdeen wasiirada iyo Taliyaasha ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa weerar xoogan lagu qaadey xili ay marayeen deegaanka Shalanbood ee gobalka Sh/hoose xili ay kusii jeedeen Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya,waxaana markii hore ay kasoo tageen Degmada Marka.
Dad deegaanka ah ayaa waxaa ay sheegayaan in marka hore Gadiidka ay la socdeen wasiirada lagu weeraray qaraxyo dhowr ah,hase ahaatee lama soo sheegin wax qasaarah ah oo qaraxa ka dhashay,waxaana xigey qaraxyada Weeraro fool ka fool ah oo gadiidka ay kusoo qaadeen kooxda Shabaab.
Qasaaro kala duwan ayaa lasoo sheegayaa inuu soo kala gaarey ciidamada Dowlada Soomaaliya ee ilaaalinayay Wasiirada iyo taliyaash iyo waliba dagaalyahanada kooxda Shabaab oo weerarka soo qaadey,markii danbe ayaa la tilmaamay in wafdiga ay kasoo baxsadeen meeshii loo galey.