waxaan bilownay qorshe lagu dhisaayo xiryaha ciidamada xooga dalka somalia.26/11/2012

waxaan bilownay qorshe lagu dhisaayo xiryaha ciidamada xooga dalka somalia.26/11/2012

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in fulinta go’aannadii ka soo baxay shirarkii ugu dambeeyey ee looga hadlayey amniga ay kula xisaabtami doonto saraakiisha Ciidammada ayadoo dhanka kalena ay Wasaaradda Difaaca bilowday qorshe lagu dayactirayo Xerooyinka Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo xalay wareysi siiyey Radio Muqdisho kadib kulan gaar ah oo la xiriiray fulinta go’aannada ammaanka ee ay Madaxda sare ee Dalku soo saareen oo uu la qaatay taliyeyaasha iyo taliye kuxigeennada Xoogga Dalka ayaa sheegay in go’aannadaasi hirgelintooda ay Wasaaradda Gaashaandhigga kula xisaabtami doonto saraakiisha Ciidammada.

‘’ waxaan ciidamada u diyaarineynaa Sagaal xero oo ka mid ah xerooyinkii ay ciidamadu lahaan jireen si loola socdo dhaqdhaqaaqooda,  ammaankana wax looga qabto’’ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga.

Isagoo hadalkiisa sii wata wasiirku ayuu hoosta ka xariiqay in wasaaraddu ay mudnaanta koobaad siineyso dib u dhiska ciidamada iyo dayactirka xerooyinkooda iyo sii wadida howlgalada dalka looga sifeynayo malleeshiyaadka Shabaab.