Wakiilka Shabakada Ishabaydhaba.com oo hada ku sugan Magaalo Madaxda Gobolka Bakool ee Xudur ayaa soo sheegaya in xaalado isugu jiro Nadaafad xumo iyo Biyo yari soo Foodsaartay Ceelasha biyaha laga cabo ee Xudur.
Wariye Deerow ayaa Carabka ku adkeeyay in Nadaafad Xumada iyo Biyo yaraanta ka jira Degmada Xudur ay ka dhalan karaan Cuduro Dilaa ah iyo kuwa faafo intaba, siiba Cudurka Shuban Biyoodka ama Kalooraha.
Ceelasha Biyaha laga cabo ee ku yaalo Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa marba marka ka dambeeya u muuqda kuwa sii biyo yareynayo, mana jiraan ila hada cid wax ka qabatay.
Qurbajooga kasoo jeeda Degmada Xudur ayaa ilaa hada jirin wax horumar ah ay ka geysteen magaalada, oo ay hada ka jiraan Xaalada Bini’aadanimo aad u liidata.
Si kastaba Biyo la’aanta soo foodsaartay Degmada Xudur ayaa hada ah tii ugu sareysay, waxaana Jaaliyada kasoo jeeda Degmadaan laga Codsanayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ay il gaar ah ku soo fiiriyaan Xaalada Liidata ee Magaalada Xudur