XILDHIBAANO KA HADLEY DHIBAATADA SOOMAALIDA LOOGU GEYSTO KENYA,20/12/2012

Xili ay sii bahayaan dhibaatooyinka amaanka xumo iyo u gaarsiga lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa arintaasi ka hadley xildhibaano ka tirsan barlamaanka Jamhuuriyada Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo la hadley warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay iney aad uga xun yihiin hadii ay yihiin Barlamaanka Soomaaliya dhibaatooyinka soomaalida loogu geysto dalka Kenya,isagoona wax laga xumaado ku tilmaamay xad gudubyada ciidamada ay sameynayaan.
 
Mudanaha ayaa tilmaamay iney soo gaarayaan warar sheegaya in ciidamada amaanka ee dalka Kenya ugaarsi gaar ah ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed oo ganacsiyo waa weyn ku leh Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya,waxaana uu tilmaamay in looga baahan yahay Dowlada kenya iney ilaaliso hantida Soomaaliyeed.
 
Isagoo hadalkiisa wata mudanahan ka tirsan barlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in madaxda Dowlada Soomaaliya looga baahan yahay iney ka hadlaan dhibaatooyinka Soomalida loogu geysto xaafada Islii ee Magaalda Nairobi si Dowlada Kenya ay u xakameyso dhibaatada.
 
Ugu danbeyntii hadalkan kasoo yeeray xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ay kusoo beegmeysaa xili xaley qaraxyo dhowr ah ay ka dhaceen Magaalada nairobi ee dalka Kenya islamarkaana Soomaali badan loo qab qabtay.